Waxaad niyeesataa adigoo kugu wareegsanyihiin waxyaabaha nolosha qurxiyo, Dhul waasac ah oo furan, leh doog aad & aad u quruxbadan oo indhaha u roon iyo guri neecaaw qaboow leh. Guryahaan qaabka & habka loo sameeyay waxaa loogu talagalay in eey kaa kaalmeeso ku raaxeesiga noloshaada wanaagsan oo casriga ah. Waxaan heesanaa qalabka casriga ah ee ugu danbeeyay & naqshadihii ugu quruxda badanaa oo aad & aad uga heli doontaan. Waxaan ka fakarnay oo aan ka fiirsanay wax kasta, sababtoo ah marwalba waxaan qalbiga ku heeynaa waxaad u baahantihiin & riyooyinkiina. Waxaan idinka codsaneeynaa in aad idinkuna niyada ku heesaan Guryihii Riyada markaad Guri ka gadaneeysaan Xamar. Waxaan idin rajaynaynaa in aad ka heshaan guryahaan aadka iyo aadka u quruxda badan oo qiimahoodana macquulka yahay.


